Japan oo sheegtay in Soomalaiya ay ka cafisay ku dhawaad 15 Bilyan oo deyn ay ku laheyd ah

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Japan ee Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis dowladda Japan ay ku cafinayso deyn dhan 14 bilyan oo yen ah, taasi oo u dhiganta in ka badan 100 milyan oo Dollar.

Heshiiskan wuxuu daba socdaa go’aankii ka soo baxay dalalka Paris Club ee bishii Maarso 2024, ee ku aaddan deyn cafinta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Japan taageeradooda, isaga oo tilmaamay in tani ay dhiirigelin u tahay dadaallada Soomaaliya ee dib u habeynta maaliyadda iyo kor u qaadista dakhliga, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Safiir OGIHARA Hiroshi oo dhankiisa hadlay sheegay in Japan ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee dalka.

Waa dalkii labaad ee tobaadkan ku dhawaaqay in Soomaaliya uu ka cafiyey deyntii uu ku lahaa, ka dib markii dowladda Mareynakanka ay sheegtay in ay ka cafisay lacag dhan 1.14 Bilyan oo dollar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed