Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta meel mariyey miisaaniyadda Dowladda ee sanadka  2025

Laba Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda 2025 oo doodo badan ay ka yeesheen fadhiyadii u dambeeyay xildhabaannadu.

172 Mudane oo katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa u codeeyey in ay aqbaleen, waxaa diiday 2 Xildhibaan, halka uu ka aamusay hal mudane kale, sida uu sheegay shirguddoonka oo kulankaas ka dib natiijada ku dhawaaqay.

Miisaaniyadda dowladda oo gaareysa $1,359,714,328 ayuu Guddiga Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka la wadaagay Xildhibaannada labada Aqal, waxaana Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka uu sharaxay waxyaabaha lagu qabanayo iyo qaabka ay noqon doonto.

Waxaa jiray Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka oo dhowaan soo jeediyay in mushaarka loo kordhiyo Ciidamada dowladda maadaama lacagta miisaaniyaddu ay aad badan tahay, balse dowladdu ma sheegin arigtada mudanayasahi la aqbalay iyo in kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed