Aqalka Sare oo sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu lumiyey xubinimadii uu ku lahaa

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa lumiyey xubanimadii Aqalka Sare, ka dib markii uu soo xaadiri waayay afar Kalfadhi oo xiriir ah sida lagu sheegay war ka soo baxay golaha Aqalka Sare.

“Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay bogga Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa golaha ka hor sheegey in Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac uu lumiyeyn xubinimadiisii, isaga oo aan wax sabab maangal ah soo gudbin oo uu golaha kaga maqnaa “Senator Saalax Axmed Jaamac afar kalfadhi ma imaan Aqalka, kursigiisuna sidaas ayuu ku banaan yahay.” Ayuu yiri.

Sida uu qabo sharciga Golaha Aqalka Sare xubintii ka maqnaata laba fadhi oo isku xiga waxaa uu luminayaa ka mid ahaanshiyaha, isaga oo uu bedelayo qofkii ku xigay tartankii kursigaas loo soo galay golaha si uu buuxiyo.

Kursiga waxaa horay xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ugula tartamay Ibraahim Iidle Suleymaan guddoomiyihii hore Maxkamadda Sare ee dalka, haddii uu waayana waxaa lagu bedeli doonaa booskaasi sida uu qabo sharciga golaha.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ama jawaab celin ah oo ka soo baxay Senator Saalax Jaamac oo ku aadan tilaabadan.

Kalfadhiga golaha Aqalka Sare oo Buuq arinkaasi ka dhex dhaliyey ayaa guddoonka lagu eedeeyay in la jabiyay xeer hoosaadka gollaha u yaalay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed