Wasiir Fiqi oo sheegay in Masar iyo Eritrea uu kala hadlay gardaradda Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka bixiyay kulamadii iyo shirarkii ka qabsoomay Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, isaga oo sheegay in 40 kulan uu la qaatay isaga iyo wafdigiisa masuuliyiintii kala duwanaa ee dhacay.

Axmed Macallin Fiqi oo dul istaagay kulamadii gaargaarka ahaa ee uu la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibedda Masar iyo Eritrea oo ay kawada hadleen xadgudubka gurracan ee Itoobiya ku sameysay Dalkeenna ayuu sheegay in ay qireen in garrada ay ku sameysay dalkeena.

Waxaa uu tilmamay cadeeyeen in ay kasii dari karto xaaladda iyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika, loona baahan yahay in Xal waara la helo xadgudubka Itoobiya.

“Masar iyo Eritrea waxa aan kawada hadalnay gardarrada Itoobiya Dalkeenna ku sameysay, kulamada aan wada galnay ee muhiimka ah waxaa kale oo aan uga wadahadalnay xaaladda ay bariga Afrika” Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Axmed Macallin Fiqi.

Soomaaliya oo meelo badan oo ururada iyo dowlado isugu jira geysay waraaqo ashtako ah, kuwaa oo Itoobiya ku noqday mid keentay si cad loogu sheego in qadafka ay sameysay ay garowdo, ayna ka baxdo heshiiskii Janaayo ee Somaliland ay la gashay, inkasta oo ay taasi ay wax jawaab ah ka bixin.

Dowladda ayaa sheegtay in ay ka dhiidhisay xadgudubka gurracan ee Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida, Wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed