Tirada dadka ku dhintay dagaallada Suudaan oo la shaaciyay markii ugu horreysay

Dalka Suudaan oo 16 bilood ay ka socdaan dagaalo sokeeya waxaa la xaqiijiyay in colaadaasi ay ku dhinteen in badan 20 kun oo qof, iyadoo dagaalkaasi uu yahay mid aad u fool xun, oo halakeeyay dalka ku yaal waqooyi bari ee Afrika, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa xogta ku aadan khasaraha dagaalka wuxuu ku shaaciyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas, oo ah xarunta dowladda uu caalamku aqoonsan yahay, ee uu milaterigu taageero. Tedros wuxuu sheegay in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay “aad uga badan karto inta uu sheegay.”

Dhamaadkii booqasha laba maalmood ahayd oo uu ku tagay Suudaan, ayuu wuxuu sheegay in Suudaan ay ka jirto qalalaase duufaanno ah, isla markaana baaxadda burburku uu yahay mid naxdin leh, tallaabooyinka lagu xaddidayo colaaddana aanay ahayn kuwa ku filan inta loo baahan yahay.

Suudaan waxay gashay fowdo bishii Abriil 2023 markaas oo ay kor u kacday xiisadda u dhaxaysa ciidanka dawlada iyo kuwa RSF-ta, waxayna labada dhinacba galeen dagaal baahsan oo ku faafay waddanka oo dhan ah.

Iskahorimaadyada ayaa caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka kale u rogay goobo dagaal, taas oo burburisay kaabayaashii rayidka iyo nidaamkii daryeelka caafimaadka ee horeba u burburay. Isbitaalo badan iyo goobo caafimaad ayaa sidoo kale albaabada loo laabay. Colaadda Suudaan ayaa abuurtay wax ay khubaradu ku tilmaameen dhibaatada barakac ee ugu weyn adduunka.

Hay’adda socdaalka adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 13 milyan oo qof lagu qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii tan iyo markii ay bilowdeen colaaddaha, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 2.3 milyan oo u qaxay dalalka deriska ah oo qaxooti noqday.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in labada dhinac ee dagaalamaya ay geysteen gabood fallo isugu jira kufsi wadareed iyo dilal salka ku haya isir nacayb oo isugu jira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ay taageerto ayaa Jimcihii ku baaqay “xoog madaxbannaan oo dhexdhexaad ah” si loo ilaaliyo rayidka, iyagoo ku eedeeyay labada dhinac dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin dil, naafayn iyo jirdil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed