Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kala fadhiga labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad culus oo dhinacyo badan taabaneysa, isla markaana soo hadal qaaday khilaafka diblomaasiyadeed ee Itoobiya.
Xasan sheekh ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo la xariira xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhashay heshiiska uu la galay maamulka Somaliland horraantii sanadkan.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Itoobiya ay caalamka wareegeyso iyada oo cabsi ka qabto khaladaadkii diblomaasiyadeed ee ay gashay, isla markaana ay ku xad gudubtay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee u yaal adduunka. Hadalkan ayaa jawaab u ah mid horay uga soo yeeray Abiy Axmed khamiistii oo ku sheegay in dowladda Soomaaliya aysan lacag ku khasaarin in ay wareegto waddamo kale si loo dacweeyo Itoobiya.
Sidoo kale, waxaa uu ku eedeyay in Xukuumadda Itoobiya ay sameysay xad-gudub ku aaddan madaxbaannida Soomaaliya. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan diidaneyn hishiis nabad ah, balse ay ka soo horjeedo waddooyinka ay Adis Ababa wax ku rabto. Inkastoo oo uu dheeraa hadalku , haddana madaxweyne Xasan, ayaa ku adkeystay in wadiiqooyink ay Itoobiya wax ku waddo aysan aheyn ku tagaya meel nabadeed.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay, wadahadalladii labada dal ee ka dhacay dalka Turkiga in ay dalbatay Itoobiya, isla markaana ay fashilisay isla iyada, waxaa ku dooday in ay diiday in ay ka laabaato hishiiskii sharci darrada ahay ee Somaliland, sida uu sheegay.
Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyey mabda’a adag ee ay dowladdu ku ilaalinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhulka dalka.
Si kastaba, xiisadda laba dal ee gobolka ayaa sii kordhaya, iyada oo Itooobiya ay la kulmeyso cadaadis caalami ah oo ku aaddan qawaaniinya iyo xeerarka u yaal dalalka caalamka ee ku qotoma ilaalinta madaxbannaanida.
HBN NEWS DESK