Turkiga oo xabsiga dhigay in ka badan 10 ruux

11-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ayaa lagu xiray gobolka Izmir ee galbeedka dalka Turkiga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Unugyada la-dagaalanka argagixisanimada ayaa billaabay howlgalka oo qeyb ka ah baaritaan uu hoggaaminayo xafiiska xeer ilaalinta guud ee Izmir, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee TRT. Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay howlo la xiriira IS ka wadeen degmada Menemen.

Booliisku waxa ay sidoo kale qabteen hub iyo qalab badan oo dhijitaal ah intii lagu guda jiray baaritaanada lagu sameeyay guryaha tuhmanayaasha.

Dowladda Turkiga ayaa sanadkii 2013 kooxda IS u aqoonsatay urur argagixiso, iyadoo ku eedeysay inay mas’uul ka tahay weerarro badan oo lagu hoobtay oo dalkaas ka dhacayay tan iyo sannadkii 2015-kii, oo uu ku jiro weerar bishii Jannaayo ee sannadkan lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaasoo lagu dilay hal qof.

Turkiye ayaa kooxda YPG u aragta kooxda PKK faraceeda Siiriya oo ay Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ku daraan liiska ururada argagaxisada ee ka soo horjeeda dowlada Turkiga in ka badan sodon sano.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed