Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo si xamaasad leh u soo dhaweysay Safiirka cusub ee dalkaas loo magacaabay

Soo dhaweyn ka dhacday magaalada Pretoria ayaa aheyd mid diirran, iyadoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ay si diiran u soo dhaweeyeen Danjire Maxamed Sheekh Isaaq, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi. Xafladan oo ay ka muuqatay xamaasad iyo is afgarad ayaa lagu soo bandhigay iyadoo jaaliyadu ay ka go’an tahay la tacaamulka safaarada uu hogaaminayo Ambassador Isaxaaq.

Danjire Isaaq, oo khudbad ka jeediyay soo dhaweynta, ayaa ku celceliyay in safaaradda ay ka go’an tahay horumarinta adeegyadeeda, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gudaneyso waajibaadkeeda. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la abuuro xiriir xooggan oo dhexmara Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, isagoo muujiyay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin barwaaqada iyo horumarka labada dal.

Danjire Isaxaaq ayaa sidoo kale tilmaamay qorshaha dib u eegista iyo habeynta howlaha safaaradda. Ujeedadu waa in la habeeyo hababka, wanaajinta hufnaanta, iyo kor u qaadida dadaallada wacyigelinta si si wanaagsan loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika. Qorshayaashan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo sidii taageero xooggan loo siin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa rajo wanaagsan iyo taageero u muujiyay Danjire Isxaaq, iyagoo qiray doorka muhiimka ah ee ay safaaraddu ku leedahay wax ka qabashada baahiyaha iyo tabashooyinka jira.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed