Boqolaal qoys ayaa maanta oo Khamiis ah ka qaxay guryahoodii magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya ka dib markii shan maalmood oo xiriir ah uu ka da’ay roobab wata daadad.
Fatahaadaha ayaa saameeyay xaafado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kutimbo iyo Raadeer oo ka tirsan degmKooshin, isla markaan aah goobaha sida weyn uu u saameeyay roobabkii da’ay, xaafadaha ayaa waxaa ku sii rogmaday biyo badan, kuwaas dadka ku qasbay in ay barakacaan.
Weli lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, iyadoo maamulka degmada iyo kooxaha gurmadka ay wadaan dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa mara wabiga Shabeelle, kaasoo laga cabsi qabo inuu fatahaado culus ka sameeyo deegaannada uu ka amro gobolkaas.
HBN NEWS DESK