Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda loo heystay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah. Dhageysiga dacwada ayaa la qorsheeyay in ay bilaabato maanta oo Axad ah.
Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa loo heystaa dambigii foosha xumaa ee lagu gubay xaaskiisa oo magaceeda lagu sheegay Luul Cabdicasis. Arrintan ayaa walaac badan ka muujisay shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula socda sida ay wax u socdaan.
Maxkamadda Racfaanka oo isu diyaarinaysa dhageysiga dacwadda ayaa ku amartay Taliyaha Saldhigga degmada Xamarweyne inuu caddeeyo in maanta oo Axad ah maxkamadda la horgeyn doono eedeysane Sayid Cali Macallim Daa’uud. Fadhiga Maxkamadda ka dib, ayaa Guddoomiyaha la farayaa inuu Eedeysanayaasha ku soo celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Dhammaan dhinacyada ay khusayso kiiskan waxa la farayaa inay ka soo qaybgalaan dacwadaha maxkamadda wakhtiga ku habboon. Qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu muujiyay culeyska uu leeyahay kiiskan, iyadoo lagu soo bandhigay mid ka mid ah arrimaha sharciga ah ee ugu adag uguna dhow ee ka jira Gobolka Banaadir.
Iyadoo laga dhursugayo natiijada ka soo baxda dacwadan, ayaa bulshada Somaliyeed waxay ku baraarugeen go’aanka ay ka qaadan doonto Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa noqday mid si weyn isha loogu hayo Garsoorka iyo danta guud, taasoo muujineysa muhiimadda ay cadaaladda iyo isla xisaabtanka u leedahay arrimahan xasaasiga ah.
HBN NEWS DESK