Ciidamada gaarka ah ee kililka Canfarta ayaa saaka weerar culus ku qaaday degmooyinka Dhuunyar iyo Daymeed ee galbeedka gobolka sitti halkaasoo difaac ay kala hor tageen ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka soomaalida.
Waxana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray dhinacyada, kaasoo weyn looga darewmay gobolka, waxana la sheegay in dhinacyadu ay heleen gurmad kaa duwan.
Dagaalkaan iyo xiisadaan oo wali taagan ayaanan ka xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay.
Dagaalka ayaa ku soo aaday, xilli shalay magaalada Adis Ababa ay hishiis nabadeed ku gaareen Odayaasha beesha Canfarta iyo Beesha ciise, halka maanta uu dhacay dagaal culus.
HBN NEWS DESK