Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cismaan Ilyaas Lugatoor ayaa ku dooday in nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya loo bedelay kali talisnimo muddo 30 sano ah kaddib, isla markaana awoodda dalka ay tahay mid udub dhexaad u ah xafiiska Madaxweynaha, sida uu hadal u dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in wax ka bedelka dastuurka looga gol leeyahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taasina ay tahay mid dhibaatu ku ah Soomaaliya, laguna tuntay dastuurkii hishiiska lagu ahay.
“Dastuurkan cusub waxa uu dhigayaa nidaam midaysan, oo dhammaan awoodda dalka ay ku urursan tahay madaxweynaha, dalku hadda waxa uu luminayaa dheelitirka awoodda,” ayuu yiri
Waxa uu sheegay in Puntland ay weli ka go’an tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay si joogta ah ugu ololeyneyso dhismaha dalka oo ku saleysan midnimada federaalka iyo ilaalinta dastuurka Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Lugatoor ayaa ka digay in wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya ay horseedi karto kala qeybsanaanta dalka.
Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Puntland dhawaan sheegtay in ay joojisay wada-shaqeyntii hey’adaha dowladda Faderaalka, isla markaana ay u dhaqmi doonaan sida dowlad madaxbannaan.
HBN NEWS DESK