Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug, sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah. Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah, xilli ay dul heehaabeysay magaalada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labadii habeen ee la soo dhaafay lagu arkayay deegaannada ku dhaw Dhuusamareeb diyaarad looga shakisan yahay in ay tahay nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka, taasoo ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay.
Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in lagu guuleystay qabashada diyaaradan oo la rumeysan yahay inay u basaaseysay kooxda Al-Shabaab oo ay dhankooda ka timid, balse Al shabaab ilaa hadda jawaab kama bixin.
Intii ay socdeen howlgalada qorsheysan ayaa sidoo kale ciidamada waxa ay kusoo qabteen nin Ajaanib ah oo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Ciidamada ayaan soo bandhigin ruuxa la qabtay oo ajaaniib ah balse waxaa socda baaritaano dheeri ah oo ay wadaan laamaha amaanka Galmudug, lama sheegin dalka uu ka soo jeedo.
Howlgalladan lagu guuleystay ee ka dhacay deegaannada Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe laga saaray kooxda Al-shabaab kaddib howlgallo adag oo ka dhan ahaa kooxdaas.
HBN NEWS DESK