Faah faahino ka soo baxaya dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sh\Hoose isla markaana ay ku dhinteen 5 ruux iyo dhaawacyada tiro kale

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaro ka dashay dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose,isla markaana dhaliyay dhimasho iyo dhaawac kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalkaas kaasoo si gaar ah u uga dhacay deegaanno ku dhaw  magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halka tiro kala ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Ma’suulyiin ku sugan magaalada Walanweyn ayaa sheegaya in ay socdaan dadaallo looga hortagayo in uu sii ballaarto dagaalkaan sida weyn looga hadal hayo gobolka, kaasoo abuuray walaac xooggan oo ku aaddan dadka deegaanka.

Deegaanno ku yaal aagga magaalada Walanweyn ayaa marar badan waxaa ku dagaalamay labo dhinac oo iska soo horjeeda kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah iyo dhaawaca tobanaan kale.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la dhammeeyo xiisadaaas oo muddo dheer soo jirtay taasoo salka ku heyso arriml la xiriiro dhul, balse laguma guuleysan.

HBN  NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed