Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo shaaca ka qaaday in ay dib u bilaabayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kaddib dib u dhac ku yimid bishii Ramadaan

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin Caddow, ayaa shaaca ka qaaday in todobaadyada soo socda ay dib u bilaaban doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sarreeye Ibraahim ayaa ku nuux-nuux saday in ay hakad ku yimaaddeen howlgalladaasi maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haatan ay dib u howlgali doonaan ciidamada kala duwan ee wada wareerada ka dhanka ah kooxda Al shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan bixin waxa loogu yeero Zakawaadka oo kooxda dadka ka qaadaan si ay hubka ugu iibsadaan, sidaas waxaa sheegay Taliyaha.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar la fashiliyay oo ka dhacay agagaarka Baar Sanguuni oo ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ayey ku sheegtay in ciidamada dowladda ay heleen xog sirdoon oo keentay in laga hortago weerarka. Waxa ay intaasi ku dartay in howlgalkaasi lagu soo qabtay dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda oo nool.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed