Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay waxaa ka taagan xiisad colaadeed, iyadoo dib u soo cusboonaatay colaad beeleed muddooyinkki dambe laga reystay, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan hal qof iyo tiro kale oo dhaawac ah.
Ciidamada degmadaas ayaa heegan buuxa la galiyay si ay uga hortagaan colaad beeleedyada soo cusboonaaday iyo khasaaraha laga cabsi qabo in ay sii kordhaan.
Dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka oo dhowr jeer soo laa laabtay ayaa sababay colaado soo noq-noqday, kuwaas oo uga sii daray xaaladdii markii horeba kacsanayd. Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi ku aadan in colaada u dhaxeysa Maleeshiyo beeleedyadaasi ay sii xumaato, taasi oo walaac ku beertay dadka deegaanka.
Inkastoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaadaasi, ayaa hadana waxaa wali deegaanka ka taagan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ee daga bobolka.
Majir wax war ah oo ka soo baxay ilaa hadda mamaulka magaalada Buurhakabe ee gobolka Baay oo ay kaga hadleen xiisadaan dagaal ee laga cabsi qabo in ay sii xumatao.
HBN NEWS DESK