Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay war soo baxay oo sheegayay in hishiis badda ah ay la gashay Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaanahan soo baxayay oo sheegayay inuu jiro heshiis dhanka badda ah oo ay la gashay Itoobiya, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed.

Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku boorisay in wax walba laga hormariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto arrimahan xasaasiga ah.

Isagoo ka jawaabaya hadallada isa soo tarayay, ayuu wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar ku sheegay boggiisa rasmiga ah in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu hoosta ka xariiqay mowqifka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay midnimada dhuleed, isagoo carabka ku adkeeyay in qaranka ay ka go’an tahay ilaalinta madax banaanideeda.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax bannaanideeda, waxaan ku baaqaynaa in nabadda iyo xasilloonida gobolka diiradda la saaro,” ayuu yiri Cali Cumar qoraalkiisa rasmiga ah.

Diidmada lama filaanka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan hadal heynta ku saabsan heshiiska badda ee ka socda gobolka kaas oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Heshiiskan oo sida la sheegay ay Kenya soo bandhigtay, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xaliyo tabashooyinka ku saabsan heshiiska ay Itoobiya doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato badda, isla markaana ay galaangal u yeelato dekedaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, diidmada Soomaaliya ee heshiis kasta oo noocaas ah ayaa hoosta ka xariiqday xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika oo xumaaday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed