Digniin Amni iyo weeraro ka dhici kara Muqdisho oo uu soo saaray Mareykanka taasoo saameyn ku yeelatay duulimaadyadii caalamiga ahay

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujisay qataraha argagixisada ee ka dhici kara magaalada Muqdisho, taasoo keentay in la adkeeyo amniga iyo la talinta socdaalka ee muwaadiniinta iyo shaqaalaha Mareykanka. Digniin amni oo ay safaaradda soo saartay, ayaa lagu sheegay inay heshay xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan hanjabaado “goobaha kala duwan ee caasimadda Soomaaliya oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde”.

Tallaabo taxaddar leh, dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa la hakiyay Talaadada, Abriil 9, 2024. Intaa waxaa dheer, safaaraddu waxay ku celisay la-talinta heerka socdaalka in la hakiyo Soomaaliya, iyadoo soo xiganaysa ilo wareedyo sirdoon ee la xiriira weeraro argagixiso oo ka dhaca Muqdisho.

Digniintan dhanka ammaanka ah ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu socodkii caalamiga ahaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in dhowr duulimaad oo qorsheysnaa la joojiyay iyadoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin shirkadaha diyaaradaha iyo maamulka garoonka. Joojinta duullimaadyadu waxay hoosta ka xariiqday halista welwelka amniga iyo baahida loo qabo feejignaanta sare ee socotada.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan sirdoonka safaaradda Mareykanka, xogta lagu kalsoon yahay ee la helay ayaa sheegaysa in Al-Shabaab laga yaabo inay weeraro argagixiso ka geystaan ​​magaalada Muqdisho. Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Dekadaha, Koontaroolada, Xafiisyada Dowladda, Hoteelada, Maqaayadaha, Goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan meelaha ay ku nool yihiin qurba-joogta Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa adkeysay ammaanka caasimadda, waxana magaalada lagu soo daadiyay ciidamo dheeraad ah, oo aad u baaraya gaadiidka nuuc walbe iyo shaqsiyaadkii laga shakiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed