Wasaaradda Gargaarka ee maamulka Jubaland ayaa soo saartat digniin culus oo ku saabsan cabsida laga qabo roobab Guga ee soo aaddan saameeynta iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara, kuwaas oo ka curtay deegaanno kala duwan ee ku yaal maamulkaas.
Aadan Faarax Gaarane oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa fariin u diray shacabka ku nool Jubbland iney ka feejignaadan halista ka dhalan karta daadka roobabka Guga iyo saameeyntiisa, isla markaana loo bahaan yahay in wax laga barto kii da’ay dabayaaqadii sanadkii hore 2023.
Agaasimaha ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’addaha gargaarka ee ka howlgala deegaanada Jubbaland iney ka qeyb qaataan xaaladaha loogu diyaar garoobayo halista ka dhalan karta roobabka Guga iyo biyo xireeno laga hirgaliyo goobahii ay horay uga soo baxeen biya wabiga Jubba.
Agaasimaha ayaa ugu baaqay dadka deggan aagga Wabiga iyo Togaga in ay ka guuraan, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
“Dadka ku nool hareeraha wabiga iyo togaga ay daadku maraan waa in dadku ay ka guraan, sababto ah hada ayaa taxadarkaas la raba oo dhulka wali waa jilicsan yahay biyo badan ayuu ka dhargay intey goori goor tahay dadku ha feejignaadaan oo agagaarkaas yaanan lagu laaban wixii degana haka guuraan ” ayuu yiri Agaasime Aadan Faarax Gaarane.
Wararkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo deegaanada maamulka Jubaland ay ka mid ahaayeen deegaanadii ay sida weyn u saameeyeen daadadkii iyo fatahaadahii ku dhuftay inta badan gobolada dalka ee ka dhashay roobabkii deyrta ahaa ee da’ay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.
HBN NEWS DESK