Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange, ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaha Maamulka Puntland Siciid Deni inuu hor istaagay mashaariic badan oo shaqo abuur iyo fursado kale u ahaa shacabka Puntland.
Wasiir Xaange oo ka hadlay magaalada Muqdisho, ayaa carabka ku adkeeyay in tobaneeyo mashruuc oo ay ku baxayso boqolaal milyan oo dollar ay miiska saaran yihiin, kuwaas oo sugaya saxiixa Saciid Deni, sida uu hadalka u dhigay.
Mashaariicda la sugayo waxa ka mid ah mashruucii mushaharka macalimiinta qaranka, mashruuca caafimaadka ee Damal, mashruuca barwaaqada (oo hore loo odhan jiray Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyada, mashruuca tamarta iyo korontada, sida uu wasiirku sheegay, soomana bandhigin caddeymo eeddaas ku saasban.
“Deni waxa uu rabaa in uu dadka reer Puntland gaajaysiiyo oo uu ka dhigo shaqo la’aan, loomana ogola in ay fikiraan, taas oo ah astaanta lagu yaqaan kaligii-taliye” ayuu yiri Cabdqafaar Xaange.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Hogaamiyaha Puntland Siciid Deni uu sii xumeynayo khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Maamulkiisa.
Bishii May 2023, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/qafaar Xasan Xaange ayaa sheegay in Deni uu mucaarad ku yahay dowladda Federaalka ay ka dhalatay markii uu ku guuldareystay inuu noqdo Ra’iisul Wasaare.
Si kastaba ha ahaatee, todobaadkii hore, Puntland ayaa sheegtay inay u shaqeyn doonto sidii dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya, inta laga ansixinayo isbedellada lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya oo afti dadweyne loo qaadayo.
HBN NEWS DESK