Suuqyada waxaad ku arkeysaa xilligan waalidiin fara badan, kuwaasi oo soo kaxeeyay caruurtooda si ay ugu soo iibiyaan dharka Ciida.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa aad looga dareeemaya u diyaar garoowga maalmaha Ciidul-Fidriga oo ay dadk si weyn iskugu diyaarinayaan, Xamar ayaa haatan shaqeyneysa 24 saac, taas ka dhigan in maalin iyo habeen si isku mid ah loo adeeganaa.
Waxaa mashquul ah inta badan Suuqyada waxaana ka mid ah Suuq Xamarweyne iyo Bakaaraha oo aad ay dadku u gadanayaan dharka, sidoo kale waddada Maka Al-mukarama ayaa iyaduna habeenkii noqotay mid ay ku soo hirtaan dadka aanan awoodin in ay maalintii aad aad suuqyada waa weyn.

Waalidiinta ka tukaameysanayo Suuqyada waxaa ay tixgalinayaan rabitaanka caruurtooda waxay u iibinayaan dharka ay caruurta rabaan. Waalidiinta qaar ayaa sheegay in xilligan ay u diyaar garoobayaan dabaal dagga maalinta Ciidul fadriga agab iyo dharna ay u iibinayaan caruurtooda.

Sanad walbo dharka gabdhaha ayaa ka qaalisan kuwa wiilasha, waxaa suura gal ah halkii wiil loogu adeego lacag dhan 30-$ qiayas ahan amam celcelis balse halkii gabar lacagta ugu yar ee loogu adeegayo ama dharka ciida loogu iibinayo ugu yaraab 50$, kuna darso dharka qiimahiisa ayaa kala sareeyo, oo qaarkood ayaa ah ilaa 70 dolllar.

Ganacsatada qaar ee iibisa dharka ayaa inoo sheegay in ciidan ciidihii hore ay ka duwan tahay isbadal weyna uu ka jiro suuqa. Sanadkan sanadihii hore waa uu ka duwan yahay sida dadka qaar ay inoo sheegeen inay soo baxeen dhar Fashion ah oo qiimahoodu kala sareeyo, sidoo kale sanadkan waxa suuqyada laga helayaa dharka caruurta aadka u yar ee bilooyinka qura jira.

Dadka keliya dhar uguma diyaar garoobayaan ciidan balse waxaa dhanka kale mashquul ah goobaha lagu iibiyo waxyaabaha macmacaanka ah sida Xalwada, Buskudka, iyo waxyaaba kale ee la isticmaalo maalmaha ciida ah ee macmacaanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed