Horjooge ka tirsan Al shabaab oo isku dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka ee Mudug

Horjooge lagu magacaabo Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Al shabsab ayaa isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sida ay baahisay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka deegaanka ayaa soo dhaweyn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen Ciidanka Hey’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyey xubnaha isi soo dhiiba ee ka soo hara fikirka Al shabaan.

Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli shalay 10 xubnood oo ka tirsan Al shabaab ay isku dhiibeen ciidamada ammaan dowladda Soomaaliya ee ku sugan maamulka Koofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed