Iyadoo dalka Soomaaliya uu ka curtay roobabkii guga ayaa hay’adda ka hortagga masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxa ay soo saartay digniin ku saabsan khasaaraha iyo khatarta ka dhalan karta roobabka da’aya.
Waxaa lagu wadaa ama la filayaa in maalmaha soo socda ay dalka ka dhacaan saameynta roobabka xilliyeedka, SODMA waxay ugu baaqday muwaadiniinta “in ay aad uga taxadaraan una diyaargaroobaan yareynta khatarta ka dhalan karta fatahaadaha.”
Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda SODMA ayaa waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo ay u diyaar garoobaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen.
Hay’addu waxay hoosta ka xariiqday muddada la filayo in uu curto roobabka gu’ga iyo in aanan la sahalsan, taasoo muujinaysa in la saadaalinayo in inta badan gobollada dalka ay billaaban doonaan toddobaadka ugu horreeya ee bisha Abriil.
Xoogagga roobabka ayaa la filayaa inay kor u kacaan inta u dhaxaysa toddobaadyada saddexaad iyo afaraad ee Abriil, oo ay socdaan inta lagu jiro bisha May ee soo aaddan.
Digniinta SODMA ayaa imaaneysa xilli daadad iyo fatahaado darran ay dhaceen ee dabayaaqadii sanadkii hore., kuwaas oo geystay khasaare nafeed, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed oo aad u ballaaran.
Bulsho badan ayaa weli la daalaa dhacaysa saameyntii arrintaas iyo dhacdooyinkii musiibadii dabiiciga aheyd, iyadoo hoosta ka xariiqay baahida degdega ah ee loo qabo tillaabooyin firfircoon si loo yareeyo cawaaqibka ka dhalan kara roobabka guga ee soo socda.
HBN NEWS DESK