Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la kulantay madaxweyne Deni kana wada hadlay arrimo ku saabsan dib u habeynta dastuurka kaddib go’aankii maamulkaas

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta gaartay magaalada Garoowe, isla markaana  kulamo la qaatay madaxda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi deni. Booqashada Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegantay xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dib u habeynta dastuurka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay kulanka ayaa lagu yiri:

“Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada,  Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Dowladda Puntland”.

Sidoo kale, Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay mashaariicda horumarinnada iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo hay’adaha Puntland, iyadoo la dardar-gelinayo wada shaqeyn toos ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay Afarta cutub ee ugu horeeya Dastuurka kadib dhowr todobaad oo doodo kulul ay socdeen inkastoo siyaasiyiin caan ah ay ka soo horjeesteen isla markaana dhaliilo u jeedinayeen.

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay go’aan ay kaga laabteen aqoonsiga dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo wax ka bedelka dastuurka ku tilmaamay mid xadgudub ku ah heshiiskii federaalka ee taariikhda dalka ku midoobay.

Dad badan ayaa wax ka bedelka ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama uu taageero weyn ka helay baarlamaanka, iyadoo 254 Xildhibaan ay u codeeyeen inay muujiyaan horumar la taaban karo, maadaama dastuurka KMG ah dib u eegis lagu sameynayay 12-kii sano ee la soo dhaafay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed