Faah faahino ka soo baxay lix ruux oo Kenyaan ah lagu dilay xadka Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo la sheegay in ay faafinayeen Diinta Kirishtaanka

Ugu yaraan lix qof oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerar lagu sheegay mid argagixiso oo ka dhacay aagga  magaalada Dhoobley ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Deegaankaas ayaa ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sarakiisha ammaanka Nairobi sheegeen in uu ahay weerar dhaliyay khasaaro aanan la fileyn, oo lagu eedeeyay kooxda Al shabaab.

Dadka la dilay ayaa dhamaantood ahaa ganacsato Kenyaan ah oo ka ganacsan jiray inta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay ganacsiyo sharci darro ah ku lahaayeen xadka, sida laga soo xigtay ilo wareedyo kale duwan.

Mid ka mid ah ayaa looga tagay dhaawac halis ah, sida ay booliisku sheegeen. Saraakiisha ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in dhibanayaasha loo beegsaday sababo la xiriira diintooda.

Waxaa lagu eedeeyay in ay diinta Kiristaanka ku faafiyeen deegaanka, sida ay saraakiishu sheegeen. Goob joogayaal ayaa  sidoo kale sheegay in dhamaantood laga toogtay.

Deegaanka ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay ka dhaceen kiisas badan oo weeraro argagixiso ah.

Booliska ayaa sidoo kale kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan deegaanadaasi,iyagoo ka hortagay weeraro badan oo qorsheysan.

Howlgallo ballaaran ayaa ka socda deegaankaas oo looga hortagayo weerarrada la xiriira Al Shabaab, kuwaas oo dhaca qeyb ka mid ah, maadaama uu deegaanku aad ugu dhow yahay xadka Kenya iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed