Dowladda Federaalka Soomaaliya faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo iyo howlgallo xooggan oo ka dhacay maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo qaraar.
Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan lagu dilay in ka badan 80 ka tirsanaa Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dagaalkii gobolka Mudug, gaar ahaan aagga Xarardheere ayaa lagu yiri:-
“Hawlgalka koowaad; in ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere”.
Sidoo kale howlgalladii ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe ee maamulka Hirshabeelle oo looga hadlay dagaalladii dhacay ayaa lagu yiri :-
“Hawlgalka labaad; in ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”
Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii kooxda Al shabaan a ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma .
Sidoo kale howlgall kale oo ka shacay gobolka Bakool ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka:-
“Hawlgalka Seddaxaad; Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool”.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalladaan ku sheegtay kuwa u dhacay sidii loogu talagalay, isla markaana lagu guuleystay, balse kama aysan hadlin dhankooda khasaarihii soo gaaray.
HBN NEWS DESK