Tallaabadan oo looga gol leeyahay in wax looga qabto cunto yarida iyo taakuleynta bulshada nugul, ayaa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) waxay Talaadadii u dirtay magaalada Kismaayo dooni siday 4,000 oo tan oo cunto gargaar ah. Gargaarkan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka jilicsan ee ku nool deegaanada Jubaland, iyadoo gargaar muhiim ah la gaarsiin doono dadka dhibaateysan.
SoDMA waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay hay’adda yaraynta saamaynta masiibooyinka iyo horumarinta hab-nololeedka dadka ay saamaysay guud ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale, Hay’adda SDMA ee Soomaaliya ayaa ku howlan wax ka baxsan xaaladaha deg dega ah, iyi taageerada ay dadka jilicsan ee ku dhaqan qeybo kamid ah gobolada dalka, iyadoo gargaar muhiim ah u fidisay dadka ay ku jiraan duruufaha adag ee bisha Ramadaan.
Iyadoo loo marayo tallaabooyin firfircoon iyo waxqabadyo waqtiyeysan, hay’addu waxay dooneysaa inay xoojiso adkeysiga bulshada, kor u qaaddo u-diyaargarowga musiibooyinka, iyo horumarinta dadka nugul ee Soomaaliya Soomaaliya.
HBN NEWS DESK