War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay qaraarka tirsigiisu yahay 2728, iyadoo ku tilmaantay inuu yahay tallaabo ammaan mudan oo loo qaaday horumarinta nabadda iyo xasilloonida Gaza. Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo xabad joojinta, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo ah waqti xurmo leh oo Muslimiinta caalamka ku nool.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay si xooggan ugu ololaynaysaa in la soo afjaro colaadda ka taagan Marinka Gaza, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in dadka barakacayaasha ah ay si nabad ah ugu laabtaan guryahoodii iyo sidii xal macquul ah loogu heli lahaa labada waddan.
Hadalka ka soo baxay Soomaaliya ayaa imaanaya xilli shalay galinkiii dambe Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar sheegaya xabbad joojin dhowr isbuuc ah, gaar bisha barakeysan ee ramadaan.
HBN NEWS DESK