Howlgal ay sameeyeen ciidamada nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo qabtay shixnad tubaako ah nuucal loo yaqaan daabugiga oo laga soo raray dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, ayay laamaha ammaanku hoosta ka xariiqeen sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyaha oo dhibaato weyn ku ah dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Xalay saqdii dhexe ayaa ciidamada ilaalada dekadda waxa ay heleen konteenar ay ku jiraan 249 kartoon oo tubaako ah, kaasi oo la doonayay in lagu qeybiyo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Tubaakada oo ah maandooriyaha aadka u qabatinka leh, ayaa waxaa si aad ah u isticmaala dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo uga sii dareysa caqabadaha bulshada iyo caafimaadka ee gobolka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka hortagga badeecadaha sida sharci darrada ah looga soo dejiyo Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda. Hay’adda ayaa ku celisay inay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed iyadoo laga hortagayo ka ganacsiga maandooriyaha.
Wararka ayaa sheegaya in Konteenarada la qabtay laga soo dejiyay Maraakiib ay u rarnaayeen Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo la doonayay in Maandooriyahaasi loo qeybiyo Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Baahsanaanta tubaakada iyo daroogooyinka kale ayaa caqabad weyn ku ah caafimaadka bulshada iyo amniga Soomaaliya, taasoo saameyn xun ku leh shakhsiyaadka, qoysaska, iyo bulshada.
Iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo halka laga keenay iyo qeybinta maandooriyaha la qabtay, ayaa mas’uuliyiintu waxay ka feejigan yihiin dadaallada lagu burburinayo shabakadaha ka ganacsiga daroogada iyo in lala xisaabtamo dambiilayaasha.
HBN NEWS DESK