Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo iskaashanaya oo dilay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al shabaab duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

In ka badan 30 ka tirsan dagaalyahannada kooxda Al shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah, kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Al shabaab oo isku aruursanayay deegaannadaas kuwaasi oo waday abaabul ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24 Shabaab ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale xubno kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayey Al shabaab geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay, sida lagu sheegay warbixinta laga soo saaray howlgalladaan kala duwan.

Dhanka kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay AL shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo si dhuumaalaysi ah isku dayayeen inay u soo galaan.

Howlgalladaan ayaa nku soo beegmaya iyada oo uu hoos u dhacay weeraradii ka dhanka ahay kooxda Al shabaab muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo si nabad ah kula wareegay deegaanno ay ka baxeen ciimada isku dhafka ah ee ku sugan furimaha hore dagaalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed