Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo maanta bilowday dhageysiga dacwad loo heysto oday dhaqameed lagu eedeeyay Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa bilowday dhageysiga dacwada loo heysto oday dhaqameed lagu magacaabo Aadan Maxamed Geeddi, kaasi oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Aadan, oo 44-jir ah, sanadkii 2021-kii, xilli uu u dagaalamayey kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada Jubbaland. Aadan ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu ka tirsan yahay kooxdaasi uuna ka howlgali jiray deegaanka Yoontooy.

“Ma dafirayo inaan Al-Shabaab ka tirsanahay, waxaan ku sugnaa deegaanka Yoontooy iyo agagaarkeeda, waxaan ahaa xoolo-dhaqato hantideyda ilaashanaya oo ka barbar-socdey maleeshiyaadkaas” ayuu yiri Ugaas Aadan.

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya qeybaheeda kala duwan ee maamulada dalka ayaa muddooyinkii dambe la soo bandhigayay xubno ku eedeeysan in ay xiriir la lahaayeen kooxda Al shabaab, isla markaana lagu ridayaty xukuno kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed