Dowladda Qatar Oo Si Adag Uga Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Hotel Ku Yaala Magaalada Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, weerarkaas waxaa fulisay kooxda Al shabaab.

Bayaan ay soo saartay Axaddii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celisay mowqifka adag ee Dowladda Qatar ee diidan rabshadaha iyo argagixisada, iyadoo aan loo eegin ujeeddooyinka iyo sababaha.

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Weerarkaan ayaa waxaa cambaareyay dalal badan, beesha caalamka iyo ururo caalami ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed