Faah faahin ka soo baxeysa wiil yar si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho kaas oo uu dilay Adeerkiis

Dil naxdin leh ayaa xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo si arxan darro ah loogu dilay wiil yar kaasoo aanan gaarin 5 sano, dilkaan oo loo adeegsaday ceejin ayaa waxaa fuliyay adeerkiisa, kaasoo la dhashay wiilka yar aabihiis.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Cumar ayaa meydkiisa laga helay guri ay deganaayeen qoyskiisa.

Mid ka mid ah Ehelada Marxuumka oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in falkaasi uu dhacay Suxuur ka dib, waxa uuna sheegay in dilaaga uu wiilka u yahay.

Dilkan naxdinta leh ayaa dhacay kadib markii uu waagu baryay, iyadoo dadka intiisa badan ay isku diyaarinayeen inay soomaan bisha Ramadaan, waxaana dhacdadan ay argagax ku beertay ehelada marxuumka oo noqotay hadal heynta ugu badan ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa waxa ay qeyb ka tahay falalka argagaxa leh ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada , kuwaasi oo saameeyay bulshada.

Dilkan ayaa waxaa ka horeeyay mid kale oo ka dhacay degmada Wadajir, kaasi oo sababay in la dilo C/naasir Muusa Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Hawada, waxaana lagu dilay ceeji, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed