Ciidamada badda Hindiya ayaa maanta sheegay in markabkooda uu qabtay markab xamuul oo ka babanayay calanka Malta oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, ayna dalbadeen inay isa soo dhiibaan, kooxda markabka khafaalatay kuwaas oo ku heystay xeebaha Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in burcad badeeda 14-kii bishan ay afduubteen markabka xamuulka ah ee “Ruen” oo sitay calanka Malta, ay Jimcihii rasaas ku fureen markabka ciidamada badda Hindiya ee marayey biyaha caalamiga ah.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada badda Hindiya ay ka codsadeen burcadbadeedda in ay isa soo dhiibaan oo ay sii daayaan markabka iyo dhammaan dadka rayidka ah ee gacantooda ku jiray.
Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa Khamiistii sheegay in laga yaabo in burcadbadeedda Soomaalida ah ee gacanta ku dhigay markabka ay u adeegsadeen inay gacanta ku dhigaan markab xamuul ah oo ka babanaayay calanka dalka Bangladesh oo todobaadkii hore maraayay xeebaha Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in sanadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac weyn ku yimid dhaq dhaqaaqii kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo tan iyo sanadkii 2017 aan la diiwaan gelin wax afduub ah oo loo geysto maraakiibta ganacsiga.
Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in ciidamada badda Hindiya ay diiwaan galiyeen ugu yaraan 17 dhacdo oo la afduubay ama la isku dayay afduubka maraakiibta ganacsiga tan iyo bishii December ee la soo dhaafay.
Hindiya ayaa ku dhawaad 12 markab oo dagaal ah geysay bariga badda cas bishii Janaayo ee la soo dhaafay si ay u sugaan ammaanka iyadoo laga cabsi qabo inay sii kordhaan weerarada burcad badeeda.
HBN NEWS DESK