Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku amray bangiyada dalka in ay xayiraan lacagaha 16 qof iyo shirkado ah oo uu dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay cunnaqabateyn iyo xayiraad, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al shabaab, iyo falal ku saabsan lacag dhaqid.
Bangiga Dhexe ayaa faray bangiyada maxaliga ah inay joojiyaan xiriirka ganacsi ee jira iyo inay xiraan xisaabaadka ganacsi ee shaqsiyaadka la cunaqabateeyey si loo maareeyo khataraha maalgelinta argagixisada.
Toddobaadkii hore, Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in “shabakad ganacsi oo ballaaran” ay qayb ka tahay lacag ururin caalami ah iyo shabakad lacag-dhaqidda ah oo loogu talagalay kooxda A l shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya, waxayna Washington u magacowday urur argagaxiso. .
Shirkadaha la beegsaday waxaa ka mid ah Fintech Haleel Commodities LLC oo fadhigeedu yahay Dubai oo laamo iyo faracyo ku leh Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Qubrus.
Qemat Al Najax General Trading oo fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta, taas oo ku shaqeysan jirtay “shabakad lacag dhaqid ah” iyo shirkad basaska Kenya laga leeyahay oo taageerta saadka al-Shabaab ayaa sidoo kale la saaray xayiraad, sida lagu sheegay bayaanka.
Dadka xayiraada lagu soo rogay waxaa kamid ah ganacsato caan ah kuwaas oo la shaaciyay magacyadooda, waxana kamid ah:
- Faysal YuUsuf Diini.
- Maxamed Jimacaale Ali cawaale.
- Xassan Cabdiraxmaan Maxamed.
- Maxamed Cartan Rooble
- Farxaan Xuseen Xayder
- Cabdikariin Faarax Maxamed
- C\qaadir Cumar Cabdullaahi
- Cumar Sheekh Cali Hilowle.
HBN NEWS DESK