Dalalka Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaystirka shuruucda doorashooyinka, waxaanay ku nuuxnuuxsadeen inay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta dhaqanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Waddamada Ingiriiska, Norway, Denmark, Finland, iyo Sweden, ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen maanta oo Arbaco ah, waxay ku sheegeen in saxeexa xeerarkan ay caddaynayaan inay Somaliland ka go’an tahay qabashada doorashooyinka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay dadaallo iskaashi oo lala yeelanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo xaqiijiyo doorasho loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah oo dhacaysa Noofambar 13, 2024.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu toddobaadkan horraantiisii dhaqan-geliyey laba xeer oo wax-ka-beddel lagu sameeyey, kuwaas oo kala ah Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha, Cod-bixiyayaasha, iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
Saxiixa Madaxweynaha ka dib, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ( oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinku si buuxda ugu diyaar garoobeen qabsoomida labada doorasho ee loo muddeeyey inay qabsoomaan bisha November ee sannadka 2024-ka.
HBN NEWS DESK