Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay 1,500 ku nool deegaanno ku yaal gobolka Shabeelada Hoose

Iyadoo laga jawaabayo baahiyaha bini’aadantinimo ee joogtada ah, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa billowday howlo gargaar ah oo lagu doonayo in gargaar muhiim ah lagu gaarsiiyo bulshada ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose. Hay’adda ayaa doomo ka soo dirtay deegaanka Jaziira ee ku taalla deegaanka Janaale, taasi oo muujinaysa dadaallo xooggan oo lagu doonayo in wax looga qabto caqabadaha soo wajaha dadka ku dhaqan deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

 

Gurmadka oo ku bilowday doomo sida gargaar oo ka ambabaxay xeebaha Jasiira ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay uga go’an tahay SoDMA in ay taageerto dadka nugul xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka. Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay kusoo xirtaan Xeebta Marka oo ah magaalo xeebeedkaasi oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo gobolka.

Marka ay soo gaaraan xeebta Marka, shixnadaha mucaawinada ah ayaa lagu wareejin doonaa gawaari si loogu sii qaado Janaale iyo deegaanada ku xeeran. Gargaarka ayaa ka kooban sahay kala duwan oo muhiim ah, oo ay ku jiraan cuntooyin, oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan ​​1,500 qoys oo la daalaa dhacaya saameynta xun ee xaaladda hadda jirta.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Al-Cadaala ee Jannaale ayaa ka guddoomay deeqdan isagoo ku hadlaya magaca bulshada ay dhibaatadu soo gaaray, isagoo uga mahad-naqay hay’adda SDMA sida degdegga ah ee ay uga qayb-qaadatay gurmadka iyo taageerada hagar la’aanta ah.

Dadaalkan gargaarku wuxuu ku dhisan yahay waxqabadyadii hore ee SoDMA, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed