Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray hishiis dhanka bini’aadanimada ah isla markaana lagu taageeraayo howlaha gargaarka ee ay bixiyaan hey’adaha gargaarka ka shaqeyo ee Soomaaliya, kuwaas oo ku howlan in ay caawiyaan dadka u baahan kaalmada ee ku sugan gobolka Banaadir iyo gobollada kale.
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.
Wadahadallada ayaa ugu horreyntii diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga ka dhexeeya SoDMA iyo safaaradda Shiinaha, iyadoo loo gogol xaarayo weji cusub oo iskaashi ee gargaarka bani’aadamnimada iyo dadaallada maareynta musiibooyinka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay gaareen heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashigooda, iyadoo diiradda lagu saarayo hindise-yaasha wadajirka ah ee loogu talagalay wax ka qabashada caqabadaha bani’aadamnimada iyo kor u qaadista hababka wax ka qabashada musiibooyinka.
“Heshiisku wuxuu muujinayaa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday oo ka faa’iidaysanaysa khibradda iyo agabka Shiinaha si loo taageero hindisayaasha maaraynta musiibooyinka Soomaaliya.” SoDMA ayaa tiri.
HBN NEWS DESK