Faah faahin laga helay Aabe 80 jir ah oo wiilkiisa ku dilay magalaada Muqdisho

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii uu soo baxay war ku saabsan Aabe 80 jir ah oo wiil uu dhalay ku dilay degmada Kaaraan. Dilkan naxdinta leh ayaa dhacay xalay, kaasoo argagax ku abuuray bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in dood  dhexmartay Aabihii oo magaciisa lagu sheegayQadar iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Maxamuud Qadar uu ka dhashay dagaal gacan ka hadal ah kaasoo sababay in odayga uu toogto wiil uu dhalay. Khilaafka labada dhinac ayaa la sheegay inuu soo jiitamayay in muddo ah, sida laga soo xigtay ehelkooda.

Falkaan ayaa dhacay Salaadii Maqrib kadib, iyadoo lagu guda jiro maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxaana ay  argagax gelisay ehelada iyo dadka ku nool degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta gudaha iyo dadka deriska la ah qoyskan ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadan naxdinta leh, iyagoo muujinaya xiisadda qoyska ka dhex jirtay.

Toogashada kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Aabahaasi, taasi oo keentay in ciidamada amaanka ay baaritaano ka sameeyaan guud ahaan magaalada si ay gacanta ugu soo dhigaan. Maamulka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay gacan ka geystaan ​​sidii loo heli lahaa shaqsigii falkaasi geystay oo aan wali la helin.

Dhacdooyinkq nuucaan ah ayaa sii kordhineysa dhibaatooyinka qoyska la xiriira ee ka dhacayay Muqdisho bilihii lasoo dhaafay, taasoo muujineysa baahida loo qabo wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga falalka micnaha la’aanta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed