Maamulka Gobolka Banaadir oo Soo Saaray Awaamiirta Kuu Aadan Bisha Ramadaan ee Maqaayadaha iyo Hoteelada Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Jimcaale Madaale, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray awaamiir adag oo ku aadan ilaalinta bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiye Madaale ayaa si gaar ah uga digay Maqaayadaha iyo Hoteelada Muqdisho in ay furaan goobaha wax lagu cunteeyo inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xurmada bisha Ramadaan.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa digniin u jeediyay askarta dowladda. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in ciidamada ay ka feejignaadaan soonka bisha Ramadaan, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdo hore oo askari boolis ah lagu xiray sigaar cabista bisha barakeysan.

Dhaqangelinta awaamiirtan ayaa ku soo beegmaya xilli ay bilaabatay bisha Ramadaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Iyadoo ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maamulka Gobolka Banaadir ayaa wali ku adkeysanaya ilaalinta ku dhaqanka diinta iyo hagaajinta jawiga cibaadada ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, xilliyada ramadaan ayaa badanaa la arkaa maqaayaado si qarsoodi ah u kariyo cunnooyin kala duwan, isla markaana ay ka iibinayaan dad afuran oo aanan soomin, kuwaasoo si qarsoodi ah u cunteeya maalintii.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed