Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya General Birhanu Jula ayaa sheegay hadal dhaliyay hadal hayn badan oo ku aadan joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, isagoo ku andacooday haddii ciidankoodu ay ka baxaan dalka aysan Muqdisho joogayn Dawlada Soomaaliya, inkastoo hadalka Jeneraalkaasi aysan jirin xaqiiq tilmaamaysa.
Taliyahan Itoobiyaanka ah ayaa ku faanay in Soomaaliya 60% ciidankoodu ku sugan yihiin, laakiin waxaa xusid mudan inaysan jirin cilmibaaris iyo xog rasmi oo madaxbannaan oo xaqiijinaysa hadalkiisa.
Birhanu Jula ayaa sidoo kale ku faanay in ciidamada Itoobiya ay yihiin laf dhabarta ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka hortagayaan Al-Shabaab in ay qabsadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, walow ciidanka Itoobiya aysan ku sugnayn Muqdisho iyo agagaarahaeeda, haddana waxaa su’aal la galinayaa sheegashada hadalka taliyaha ciidamada Itoobiya.
Taliyahaan ayaa saddex jeer oo hore wuxuu yimid Soomaaliya isagoo hoggaaminaya ciidamada Itoobiya waana sannadihii 2007 ilaa 2009, waxaana meelaha uu ka soo shaqeeyay ay ahaayeen gobollada Bay, Bakool iyo Galgaduud oo uu joogay sannadihii 2010 ilaa 2013.
Isagoo la hadlayay TV-ga Qaranka Itoobiya ee ETV ayuu sheegay in Itoobiya ay dhiig badan u daadiyeen, askar badanna ay uga dhinteen Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab, xilli ciidankoodu ay ka qeyb galeen dagaallo ba’an, waxaase xusid mudan in ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay mushaar ku qaataan joogitaanka Soomaaliya kaasi oo ka badan inta mushaar ahaan ay u qaadan lahaayeen haddii ay joogi lahaayeen dalkooda.
Hadalka Jeneraalka ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf iyo xiisad ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland dhexmaray 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu arrinta badda kala hadlo Abiy Axmed oo codsaday inay la kulmaan dhowr jeer.
Xeeldheerayaal badan ayaa ku sifaayey in ciidamada Itoobiya inkastoo ay ku joogaan magaca ATMIS iyo gobolka Gedo oo ay ku joogaan heshiis ay la galeen Dawlada Soomaaliya inay xilliyada qaar gaystaan dhibaatooyin, iyadoo joogitaankooda aanay raali ka wada ahayn dadka Soomaaliyeed.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawlada Soomaaliya oo ku aadan hadalka ka soo yeeray sarkaalkan ka tirsan madaxda ciidamada Itoobiya.
HBN NEWS DESK