Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dayactir iyo ballaarin lagu sameeyay wadada isku xirta Ex Koontarool Afgooye iyo Xoosh ee magaalada Muqdisho oo dhex marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in horumarka ay caasimadu ku tallaabsatay aysan suurta gal ahayn, haddii aan amniga wax laga qaban, isagoo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin laba shay oo isku xiran, haddii mid la waayo mid kalena aan la dareemi doonin. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Bare ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga sida ay isaga xil saareen nadaafadda magaalada, si loo soo celiyo bilicda iyo amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay bixiyaan canshuurta si loo horumariyo dalka, isagoo faray dadka degan xarumaha danta guud inay isaga guuraan, si bulshada loogu adeego
Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo aan laamiga aheyn, waxaana jira wadooyin gaar loo leeyahay oo inta badan ay ku yaalaan goobaha ganacsiga iyo xarumaha dowladda.
HBN NEWS DESK