Madaxweynaha Somaliland oo war cusub ka soo saaray khilaafkii ka taagnaa xeerarka doorashooyinka maamulkaas

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda.

Sidaa darteed Somaliland muran ka taagnaa arrimaha doorashooyinka muddo dhan 2 sano, madaxweyne Muuse Biixi ayaa meel mariyay dhammaanba xeerarkii doorashooyinka isu-sidkanaa ee madaxtooyadda iyo ururadda siyaasadda, taasoo muujineysa  in laga gydbay murankii siyaasaddeed ee doorashooyinka  oo muddado maamulkaas  ka taagnaa, isla markaan  saameeyey amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

 

Inkasta oo saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland iyo ururrada kale ee siyaasaddaba ay soo dhaweeyeen xeerkan, haddana ururrada qaarkood ayaa ka soo horjeestay, iyagoo u cuskaday in xeer-hoosaadku ku xaddidayo xaqa ka qaybgalka doorashada madaxtooyada ee xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo keliya.

Hoggaamiyaha Urur-siyaasadeedka Horseed, Cabdillaahi Iimaan Dirawal, ayaa ka soo horjeestay xeerkan ka dib markii Madaxweynuhu saxeexay. Waxa uu sheegay in hadii sidaan oo kale ay doorashadu u dhacdo aysan ka qeyb gali doonin.

Saxiixa Madaxweynaha ka dib, waxa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaanu sheegay in komishanka doorashooyinku u diyaar garoobeen qabsoomida doorashada labada doorasho ee November 2024-ka.

Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa inay dhacaan dhammaadka sanadkaan 2024, xilli muddooyinkii la soo dhaafay xiisad la xariirto xeerarka doorashooyinka ay ka taagnaayeen Somalinand

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed