Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa gargaar bini’aadanimo soo gaaray siisay dowladda Soomaaliya, isla markaana waxaa la wareegayHay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, kaasoo lagu wado in si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.
Deeqdaan ayaa waxaa Hay’adda u guddoomay Kaaliyaha Guddoomiyaha SODMA Cabdiraxmaan Waxiid kaasoo mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, sida y u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.
Imaaraatka ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka ku taageero kaalamad bini’aadanimo ee loogu talagalay dadka dhibaateysan ee wajahaya cunnayarida kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo fatahaadahaa kuwaas ku barakacay gobolada dalka iyo magalaada Muqdisho.
Gargaarkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo fooda nagu soo heyso bisha barakeysan ee Ramadaan, dadkuna u baahan yihiin in la gaarsiiyo raashin ay ku soomaan.
HBN NEWS DESK