Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka difaaca iyo ciidamada. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhaqan gelinayo heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ay dhawaan gaareen. Ujeedada heshiiskan ayaa ah in sare loo qaado horumarinta dhaqaalaha iyo qalabeynta Ciidamada Badda Soomaaliya, sida lagu sheegay hishiis ay ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhigayay in Ankara ay caawiso Muqdisho.
Wafdigan oo ka kooban taliyayaasha Ciidamada Badda iyo dhulka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa horkacayay guddiga soo dhaweynta ah. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dhulka iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya.
Booqashada wafdiga Turkiga ayaa lagu tilmaamay hannaan heer sare ah iyo xoojinta xiriirka labad dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo dhaqaalaha. Wadashaqeynta ayaa la filayaa inay u gogol xaarto horumar la taaban karo oo lagu sameeyo tayada ciidamada Badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka qaadan doonta in Muqdisho ay hesho ciidan awood leh ilaalinta xeebaha dalka 10 sano ee soo socoto.
Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dib u dhiska iyo xoojinta ciidankeeda, taageerada Turkiga ayaa loo arkaa inay qayb muhiim ah ka tahay hannaankan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga mahadcelineyso wadashaqeynta iyo caawinta Turkiga ee joogtada ah.
Booqashadan ayaa ah calaamad kale oo muujineysa iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo sanadihii u dambeeyay si xiriir ah u soo kordhayay. Labada dal waxaa ka go’an iskaashi waqti dheer ah oo ballan-qaadaya faa’iidooyin labada dhinac ah, qaybna ka qaata amniga gobolka.
HBN NEWS DESK