Maxkamad ku taal Muqdisho oo dil toogasho ah ku riday Eedeeysane Sayid Calii oo xaakiisa gubay iyo suaal aanan jawaab loo helin oo bulshada ka dhex taagan

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan taariikhi ah ee ku saabsanaa kiiskii cuslaa ee loo heystay Sayid Cali Macalin Daa’uud kaasoo ahay in uu gubay xaaskiisa oo uur laheyd, maxkamadda ayaa  dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali  oo markii 3-aad la horkeenay maxkamadda. Xukunkan oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaa daba socday muddo oo ay socotay dhageysi aad u xooggan, iyadoo dad badan oo goob-joogayaal ah ay maxkamadda hor-yimaadeen.

Kiiskaan ayaa soo jiitay indhaha shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u sugayay natiijada ka soo baxda dacwadan. Xukunkan oo lagu tiriyo kiiskii ugu adkaa ee soo mara garsoorka Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku leh cadaaladda iyo isla xisaabtanka.

Qaabka kiiskan oo ahaa mid aad loo hadal haayay ayaa sababay in Maxkamaddu ay si toos ah u tabiso sida ay wax u dhaceen, iyadoo laga daawanayay Xarunta Maxkamadda Muqdisho, taasoo shacabka si aan horay loo arag u arkayeen halka uu marayo kiiska.

Xukunka dilka ah ee lagu riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud ayaa hoosta ka xariiqaya sida uu u culus yahay fal-danbiyeedkaasi, waxaana uu si weyn uga digayaa falalka liddiga ku ah iyo dambiyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed.

Xukunka lagu riday Sayed-Cali Macalin Daa’uud ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si cadaaladda loo helo dhibanaha iyo qoyskeeda, iyadoo dhanka kale uu fariin cad u diray in si buuxda loola xisaabtami doono dambiilayaasha.

Qoyska marxuumka la dilay ayaa meydka marxuumka ku hayay talaagad iyagoo wacad ku maray in ay la aasi doonaan eedaysanaha marka uu xukunku dhaco.

Si kastaba, bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn baraha bulshada iyo warbaahinta ugu soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, kuwaas oo tallaabada go’aanka ku tilmaamay mid muddo ay sugayeen. Balse Suaasha  bulshadu is weydiineyso ee  aanan jawaab loo helin ayaa ah goormaa la dhaqan galin doonaan fulinta kiiskaan, maaddaama badanaa ay dhacdo in qof toogasho lagu xakumay uu muddo dheer ku jiro xasbiyada, halka aanan wali ka duugin Marxuumada, kuna xiran tahay in dambiilaha lagu fuliyo qisaasta.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed