5 ruux oo ku dhimatay tiro kalana waa ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmada Dahrkeenley ee magaalada Muqidsho

Faah faahino kala dheeraad ah ayaa laga helay qarax galabta ka dhacay degmada Dharkeenkey ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan  halka loo yaqaaan Isgooyska Xoosh waxan ka dashay khasaari iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan dhallinyaro ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacmeen, kaddib markii goob ay iskugu imaan jiren  qaraxaan uu ka dhacay oo la aamisan yahay in horay loogu diyaaraiyay, lagana maqlay guud ahaan deegaankaas.

Dahallinyaradaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa isticmaal maandooriyaha, isla markaana goobtaas ay u aheyd bar-kulan oo marwalbe ay waqti ku qaadan jireen, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal iyo dadka deegaanka oo ka warbixiyay arrintaas qarax kaddib.

Intii dhaawacantay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, balse dhacdadaan ayaa saameyn ku yeelatay dad deegaanka oo aad uga walaacsan falkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed