DEGDEG: Iska hor imaad ciidan oo ka dhacay gaalkacyo & xogta khasaaraha ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu galinkii dambe ee maanta ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Galmudug, kaas oo sababay dhaawaca ciidan.

Sida wararku sheegayaan, iska hor imaadka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ay jidgooyo u sameeyeen sida ilo madaxbanaan HBN ONLINE TV u xaqiiyeen saanad ciidan oo loo waday ciidamada Daraawiishta Galmudug. Arrintan ayaa dhalisay xiisad degdeg ah oo isu beddeshay rasaas ay isweydaarsadeen labada ciidan.

Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in 5 askari oo ka kala tirsanaa labada ciidan ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka, inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah ama khasaare kale oo ka dhashay dhacdada.

Ilaa iyo hadda, maamulka Galmudug kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay iska hor imaadka iyo tallaabooyinka laga qaadayo ciidamada ku lugta yeeshay dhacdada.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed