Madaxweynaha Kenya oo Raalli-gelin Ka Bixiyay takoorka lagu hayay Soomaalida Waqooyi Bari Kenya

Madaxweyne William Ruto, ayaa si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay takooridii iyo faquuqii muddada dheer ay la kulmayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya, isagoo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Kenya.

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Wajeer, ayuu Ruto ku sheegay inaysan sax ahayn in dadka gobolkaas lagu dhibo helitaanka aqoonsiyada iyo dukumentiyada muwaadinnimada, isagoo qiray in muwaadiniin badan muddo dheer la marsiin jiray habab adag oo xaqiijin ah.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay nin lagu magacaabo Bakaja Ibraahim Cismaan, oo ku dhashay Wajeer balse sannado badan ku qaatay helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka, iyadoo mar kasta loola dhaqmi jiray sidii qof shisheeye ah.

Ruto ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof oo ku nool Waqooyi Bari ay tobannaan sano ku noolaayeen xaalad lagu qasbay inay mar kasta caddeeyaan muwaadinnimadooda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sinnaanta uu dammaanad qaadayo dastuurka Kenya.

Madaxweynaha ayaa xusay in bishii Febraayo 2025 uu saxiixay wareegto lagu joojinayo nidaamkii gaarka ahaa ee lagu xaqiijin jiray aqoonsiyada dadka Waqooyi Bari, iyadoo hadalkiisa loo arko mid ka mid ah qiraalladii ugu waaweynaa ee dowladda Kenya ka bixiso cabashooyinkii taariikhiga ahaa ee bulshada Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed