21 askari oo lagu dilay Israa’iil khasaarihii ugu xumaa ee hal mar ka soo gaara dagaalka Gaza.

21 askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay dagaalka ka socda koonfurta Qaza Isniintii, sida ay ciidamadu sheegeen, khasaarihii ugu waynaa ee nolosha ciidamada Israa’iil ka soo gaara dhulka la duqeeyay tan iyo markii uu billowday dagaalka ay kula jiraan Xamaas.

Faahfaahinta saxda ah wali ma cadda balse war uu soo saaray Talaadadii, afhayeenka ciidamada difaaca Israa’iil Rear Adm. Daniel Hagari ayaa sheegay in taangi ilaalinayay ciidamada Israa’iil uu haleelay bam-gacmeed (RPG).

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in laba askari oo la socotay taangiga la dilay.

Isla markaana, laba dhismo oo laba dabaq ah ayaa ku soo dumay askar ka dib markii uu qarax dhacay. Inta badan askarta Israa’iil ee la dilay waxay ku jireen ama ku dhowaayeen dhismayaasha, ayuu yiri.

Dhammaan qoysaska waa la ogeysiiyay balse ilaa hadda 10 magac ayaa la sii daayay, ayuu yiri. Askari kale ayaa iyaguna dhaawac halis ah kasoo gaaray isla shilkaas, ayuu Hagari hadalkiisa ku daray.

Duqeymaha baaxada leh ee Israel ka geysaneyso Gaza ayaa socday tan iyo 7-dii October ee sanadkii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed